CC Shakuur: Villa Somaliya waa halka laga abaabulo Dilalka qorsheysan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Cabdishkuur ayaa si adag uga horyimid go'aankii maanta kasoo baxay Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay hoyga uu ka degan yahay Muqidsho.

Go'aanka Maxkamadda ee isaga uga mamduucday dalka inuu uga baxo safarada dibadda ayuu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, oo sharci darro ah.

Siyaasiga ayaa sheegay in Dacwadda uu Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ka furay Maxkamadda Racfaanka ay tahay mid siyaasadeysan oo la doonayo in lagu xanibo dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya inay tahay meel laga soo abaabulo dilalka qorsheysan iyo Maxkamadeynta Siyaasiyiinta aan ku fekerka ahayn, ee mucaaradka ku ah.

Go'aanka Maxkamadda ayaa dhacay isagoo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka maqan fadhigii maanta, kadib markii uu qaadacay xalay, mana jirin qareenno uu u wakiishay inay u matalaan dhageysiga.

Maxkamadda Racfaanka ayaa laashay qaraarkii Maxkamadda gobolka Banaadir ee ahaa in aan racfaan laga qaadan karin qaraarkeedii ay ku fasaxday Cabdiraxmaan Cabdishakuur bishii lasoo dhaafay.

Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa la siiyay mudo 90 cisho oo uu kusoo dhameystirayo baaritaankiisa ku aadan Kiiska lagu soo oogay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo qaran-dumis iyo qiyaanno qaran ah.

Qareenno kamid ah Maxkamadda gobolka Banaadir oo gaaraya 8 ayaa lagu ganaaxay lacag gaaraysa $2,000 midkiiba, iyadoo qaarkood shaqada laga joojiyo kadib markii ay isku dayeen inay difaacaan CC Shakuur.

Hoos ka akhri War Saxaafadeedka Xisbiga Wadajir:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM