Ciidamo Ajnabi ah oo howlgal ka fuliyay Gobolka Gedo

Image

GARBAHAAREY - Wararka aynu ka helayno gobolka Gedo, gaara ahaan deegaanada ku dhaw magaaladda Garbahaarey, waxay sheegayaan in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay howlgal saf-balaaran ka fuliyeen halkaas.

Howlgalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii weerar Hoobiyeyaal ah iyo dagaal toos ah ay Ciidamada Kenya kula galeen tuulada Faxfax-dhuun, oo ku dhow Garbahaarey xoogaga Al-Shabaab.

Weerarka Madaafiicda iyo dagaalka, oo aan wali la ogayn khasaaraha ka dhashay ayaa waxaa dadka deegaanku sheegayaan inuu socday ugu yaraan Hal saac, islamarkaana leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Howlgalkaan ay fuliyeen ciidanka Kenya saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa lasoo warinayaa inuu horseeday iska hor-imaad kale oo ay la galeen Al-Shabaab-ka weerarka kusoo qaadey markii hore.

Faah-faahinada ayaa waxay intaas ku darayaan in howlgalkaan ay ciidamada Kenya ku wehlinayeen ciidamo Soomaaliya, kuwaasoo ka kala tirsan Militariga dowladda Federaalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Lama oga khasaaraha ka dhashay howlgalkaan cusub oo ay qaadeen ciidamadaan Huwanta ah, iyo hadii ay jiraan Rag ka tirsan Xoogaga Al-Shabaab oo ay gacanta kusoo dhigeen.

Al-Shabaab ayaa waxay ku xoogan badan tahay Gobolka Jubadda Dhexe oo ay gabi ahaantiisu ay maamusho, halkaasoo la sheegay inay kasoo abaabusho weerarada ka dhanka ah Ciidamada Soomaalida iyo kuwa ajnabiga ah.

Maamulka Jubbaland ayaa dhawaanahaan wuxuu sare u qaaday Gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib markii uu taageero military ka helay dowladda Federaalka iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM