Ciidamada amaanka oo kala dhexgalay Beelo ku dagaalmay G/Galgaduud

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay inay si buuxda u xaqiijiyaan ammaanka deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Talaabadan ayaa timid kadib markii ay muddo dheer xiisad u dhaxeysay beelaha kasoo kala jeeda Dhuusamareeb iyo Cadaado, kuwaasi oo isku horfadhiyay. Iyadoo taas laga duulayo, saraakiisha ciidamada ayaa soo saaray amaro adag oo lagu xoojinayo amniga deegaanka.

Tallaabooyinka lagu sugayo ammaanka ayaa waxaa ka mid ah in la mamnuucay hubka in lagu dhax wareego magaalada gudaheeda, marka laga reebo ciidamada.

Waxaana xusid mudan in mas’uuliyiin ka tirsan maamulada labada degmo ee Dhuusamareeb iyo Cadaado ay gaareen Xananbuure si ay isaga kaashadaan sidii xal waara looga gaari lahaa colaadda beelaha.

Deegaanka ayaa waxaa soo gaaray burbur aad u balaaran oo ay sabab u tahay colaadda daba dheeraatay, waxaana ka dhashay dib u dhac weyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM