Ciidamada ATMIS oo soo gaba gabeeyay wajigii labaad ee ka bixitaankooda dalka

Image
ِATMIS ayaa dowladda Soomaaliya ku wareejisay 7 saldhig oo militari ah.

Muqdisho, Soomaaliya - Ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ATMIS ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in la soo gebagebeeyey wajigii labaad ee ka bixitaanka 3,000 oo askari ee dalka, ka dib muddo afar bilood ah oo dib u dhac ku yimid.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in muddo 3 bilood ah “hakin farsamo ah” lagu sameeyo hannaanka ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee dalka, kaas oo la qorsheeyay in la hirgeliyo bishii Sebtembar ee la soo dhaafay.

Ciidamada nabad ilaalinta ATMIS ayaa bayaan ay soo saareen ku yiri “ATMIS waxay soo gebagebeysay wejigii labaad ee ka bixitaanka Ciidamadeed ee Soomaaliya, iyada oo laga dhimay tirada Ciidamada ilaa 3,000 oo askari”.

ِATMIS ayaa dowladda Soomaaliya ku wareejisay 7 saldhig oo militari ah, waxaana la xiray labo saldhig oo kale.

"Waxaan dhawaan bilaabi doonaa diyaarinta wajiga soo socda, wajiga saddexaad, si loo dhimo 4,000 oo askari ilaa bisha June," ayuu yiri General Sam Okeding.

Tirada askarta laga saaray dalka ee wajiyada koowaad iyo labaad ayaa gaaraya 5,000 oo askari, waxaana Soomaaliya weli ku sugan 14,600 oo askari oo ka kala socda Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM