Ciidamada Booliska oo soo xiray xubno ka tirsan maleeshiyaad ku dagaalmay G/Shabeellaha Dhaxe

Image

CADALE, Soomaaliya - Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Nabadsugida Qaranka ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan koox maleeshiyo beeleed ah oo dagaal ka hurinayay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku guuleystay in ay sugaan ammaanka deegaanada hoos yimaada magaalada Cadale oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo beeleedyo.

Ciidamada ayaa sidoo kale deegaano dhowr ah ka fuliyay howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka, waxaana ujeedka uu ahaa in maleeshiyaadka dagaalamaya lagu sameeyo hub ka dhigis.

Ololahan amniga lagu sugayo ayaa kusoo beegmaya iyadoo dagaallo beeleed ay ka dhaceen gobollo kala duwan oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM