Ciidanka Dowladda oo Shabaab kala wareegay Moqokori

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka Al Shabaab kala wareegay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, sida ay Saraakiisha Militariga ay xaqiijiyeen.

Al Shabaab ayaa isaga baxday deegaanka kadib markii ay iska caabin waysay Ciidamada gaashaaman ee dowladda oo kaabanaya kuwa ka socda dalka Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM oo weerar kedis ah ku qaadey fariisamahooda xalay saqddii dhexe.

Dadka deegaanka qaar oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ay howlgal miino baaris ah ka sameeyeen gudaha deegaanka, iyagoo difaaca dhigtay banaanka si ay uga hortagaan weerar rogaal-celis ah.

Xaaladda deegaanka ayaa degan saaka, balse dadka shacabka ah ayaa sheegay inay ka baqayaan in markale lagu dul-dagaallo, maadaama ay Al shabaab dhaq-dhaqaaqyo kawado duleedka Moqokori, suurta galna ay tahay inay weerar kusoo qaado.

Moqkori ayaa mudo sanado ah gacanta ugu jirtay Al Shabaab, iyadoo deegaanka sanadkii tagey uu Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble u magacaabay degmo.

La wareegista deegaankan ayaa imaanaysa xilli Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay mudooyinkii dambe dhaq-dhaqaaqyo Military oo ka dhan ah Al Shabaab ay ka wadaan gobollo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay isaga soo baxeen deegaanka Moqokori, oo saaka Al shabaab ka saareen, iyadoo aan la ogeyn sababta ka bixitaankooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM