Ciidamada Dowladda oo dib u qabsaday degmada Ruun-Nirgood

Image

RUUNIRGOOD, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta degmada Ruun-Nirgood oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle.

Ciidamada dowladda ayaa wali magaalada ka wada howlgallo ay uga saarayaan miinooyinka ay kooxda ‘AS’ ku aaseen ka hor inta aysan ka bixin magaalada.

Ciidanka ayaa awood u yeeshay in ay ‘AS’ ka xoreeyaan magaalooyin badan tan iyo markii lagu dhawaaqay in wax laga bedelay istiraatiijiyadda dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ oo horay loo diyaariyay.

Ciidamada dowladda ayaa bilaabay in ay gacanta ku dhigaan magaalooyinka iyo deegaanada ku xeeran degmooyinka ay bartilmaameedsanayaan, taas oo u fudueysay inay guulo waaweyn ka gaaraan dagaalka socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM