Ciidamada dowladda oo gobolka Hiiraan kula dagaalamay 'AS'

Image

FARLIBAAX, Soomaaliya - Ciidamada deegaanka ayaa weerar ku qaaday fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Farlibaax ee gobolka Hiiraan, waxaana weerarkan ka dhashay khasaare soo gaaray Kooxda sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmada.

Taliyaha saldhigga Farlibaax Salaad Sheekh ayaa sheegay in ay jab xooggan gaarsiyeen xoogoga ‘AS’ ee ku sugnaa fariisinta oo ku taala meel 60 KM u jirta degmada Farlibaax.

Taliyaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay la wareegeen fariisinta, iyada oo xubnaha AS ay isaga carareen goobta, taliyaha degmada ayaase wali shaacin khasaaraha soo gaaray ciidanka.

Kooxda ‘AS’ ayaa wali ku xooggan galbeedka gobolka Hiiraan, halkaas ay dowladdu wali ka bilaabin dhaqdhaqaaqa wajiga 1-aad ee howlgallka ka dhanka ah ‘AS’.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM