Ciidamada Dowladda oo horjooge ka tirsan AS ku diley gobolka Baay

Image
Howlgalkan ayaa hub looga furtay kooxda AS.

Bardaale, Soomaaliya - Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa maanta howlgal ay ka sameeyeen tuulooyinka hoostaga degmada Bardaale ee gobolka Baay ku dilay hoorjoogihii kooxda AS u qaabilsanaa lacagaha ay kooxdu ka aruuriso dadka degmadaas.

Yuusuf Maxamed Macalin Taliyaha Daraawiishta KGS ee degmada Bardaale oo warbaahinta la hadlay ayaa horjaagahaas magaciisa ku soo koobay Bishaar, wuxuuna intaasi ku daray in uu dhibaato badan ku hayay dadka shacabka ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in howlgalkaas ay ku soo furteen hub ay ka carareen kooxda AS, haatanna ay firxadkooda ku raad joogaan.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa xoojiyay howlgalka a dhan meleeshiyaadka kooxda AS ee ku sugan maamulka Koonfur Galbeed, xilli ay wararku sheegayaan in Dowladda Federaalka ay dib u sii wadi doonto Wajiga 2-aad ee dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM