Ciidamada Dowladda oo howgal ku dilay 40 xubin oo ka tirsan AS

Image
Howlgalkan ayaa laga fuliyay deegaanka Cali Yabaal ee hoos yimaada degmada Ceel-dheer.

Ceeldheer, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgalo ka sameeyay deegaanka Cali Yabaal oo ka tirsan degmada Ceel-dheer ee gobolka Galguduud, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan AS.

Ciidamada dowladda ayaa ka takhalusay 40 dagaalyahan oo uu ku jiray horjooge ka tirsan kooxda oo aan la shaacin magaciisa, iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay socdeen howlgallo militari oo toos ah iyo duqeyn xagga cirka ah.

Labo diyaaradood oo nooca loo yaqaan Bayraktar-TB2, oo ka soo kacday deegaanka Al-kawsar, ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka geystay godad ku yaalla degmada Cali Yabaal, kuwaasi oo ay kooxdaasi u adeegsato in lagu keydiyo hubka, laguna daweeyo dhaawacyada.

Weerarka ayaa yimid kadib markii dadka deegaanka ay ku wargeliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee “Danab” in xubno ka tirsan AS ay isku uruursanayeen Cali Yabaal oo ay ciidamadu la wareegeen 19-kii bishii hore ee February.

Qeybta “Gorgor” ayaa howlgalka kala qeyb galay ciidamada Danab, waxaana lagu guuleystay in la burburiyo saldhigyadii ay kooxdaasi ku lahaayeen deegaanka, lagana qaatay tiro hub ah, islamarkaana ay dib ula wareegeen deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM

Wareegga labaad ee wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in doorashada lagu saleeyo dastuurkii la ansixiyay sanadkan 2026.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 06:13AM