Ciidamada Dowladda oo howlgal ay ka sameeyeen Jubbada Dhexe ku dilay 20 xubnood oo ka tirsan AS

Image
Saraakiisha dowladda ayaa xaqiijiyay geerida tiro ku dhow 20 dagaalame oo ay ku jiraan ajaanib.

Jilib, Soomaaliya - Howlgallo ciidan oo ay qaadeen ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimaha kooxda AS ee deegaanka Carabo, oo ku taalla gobolka Jubbada Dhexe ee maamulka Jubbaland.

Howlgalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray kooxda.

Warbaahinta dowladda ayaa laga soo xigtay in howlgalka lala beegsaday shir ay lahaayeen saraakiil ka tirsan AS, iyadoo la sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay dhinteen, qaar kalena dhaawacyo halis ah ay soo gaareen.

Saraakiisha dowladda ayaa xaqiijiyay geerida tiro ku dhow 20 dagaalame oo ay ku jiraan ajaanib.

Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu bur buriyay kooxda gaadiid dagaal, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ay maqlayeen qaraxyo xooggan oo ka tarjumaya heerka uu gaarsiisan yahay weerarka iyo sida uu u saameeyay deegaanada ku xeeran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM