Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay deegaano hoos taga G\Shabeellaha Hoose

Image
Howlgalkan ayaa waxaa lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda AS.

Baraawe, Soomaaliya - Ciidmada Dowladda oo kaashanaya saxiibada Caalamka ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano dhaca gobolka Shabeellaha Hoose oo ay isku abaabulayen xubno ka tirsan kooxda AS.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu dilay Seddax xubnood oo ka tirsanaa kooxda, waxaana goobta lagu burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen sida lagu sheegay qoraal lagu faafiyay warbaahinta dowladda.

Howlgalkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay howlgallo maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada dowladda ka sameeyeen gobollada kala duwan ee dalka, waxaana la sheegay in lagu dilay tobneeyo ka tirsan kooxda.

Howlgalladan ayaa intooda badan waxa ay ka dhaceen deegaannada hoos yimaada Dowlad-Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa lagu dilay sida ay shaaciyeen ilo ka tirsan dowladda xubno badan oo isugu jira maleeshiyo iyo Saraakiil sarsare, isla markaana nolosha lagu qabtay qaar kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM