Ciidamada Dowladda oo howlgal ka sameeyay degmada Ceeldheer

Image

CEELDHEER, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maanta howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka waxa ay ku qaadeen fariisimo ku yaalla degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud oo ay ku sugnaayeen ururka ‘AS’.

Taliska ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalkaasi guulo laga gaaray, islamarkaana lagu dilay horjooge ka tirsanaa AS, mid kalena lagu soo qabtay.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaari nuuca Leyla Calaawi oo ay wateen ‘AS’ oo ku sugnaa koonfurta deegaanka Mudug.

Ciidamada amaanka ayaa howlgalo gaar ah oo ka dhan ah ‘AS’ ka wada magaalooyinka gobolka Galgaduud si dalka looga ciribtiro, iyada oo dhawaan la furi doono wajiga 2-aad ee dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM