Ciidamada Dowladda oo howlgal ku dilay 10 xubin oo ka tirsan AS

Image
Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hubkii ay sideen xubnaha Kooxda.

Xarardheere, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa saakay si wadajir ah howlgal uga fuliyay deegaanka Baraag Cali-gaduud oo 40 KM u jira degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howlgalkan ayaa la shaaciyay in lagu dilay Toban Xubin oo ka tirsanaa kooxda AS, kuwaas oo qayb ka ahaa Maleeshiyaad lagu aruurinayey degaankaas, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda.

Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hubkii ay sideen xubnaha Kooxda, waxaana wali socda howlgalka, iyada oo ay Ciidamadu ku raad joogaan xubnihii ka badbaaday howlgalkaan.

Ciidamada howlgalka fuliyay ayaa soo bandhigay hubka lagala wareegay kooxda AS, iyaga oo sheegay in ay jiraan xubno ka tirsan AS oo hub la carareen iyaga oo dhaawac ah.

Ciidamada Dowladda ayaa wali wada howlgallada ka dhanka ah kooxda AS, xilli laga saaray deegaano fara badan oo dhaca gobollada dhaxe, sida Galgaduud, Hiiraan, iyo Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM