Ciidamada Dowladda oo howlgal ku dilay xubno ka tirsan AS

Image
Howlgalkan ayaa si gaar ah lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubnaha AS.

Kismaayo, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda iyo kuwa Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa maanta howlgal milatari ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan ayaa lagu dilay 19 xubnood oo ka tirsan kooxda AS, waxaana ciidamada dowladdu ay gacanta ku dhigeen sagaal xubnood oo kale.

Sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen hub fara badan oo ay ka mid yihiin RPG-2 iyo Qoryaha AK47, iyagoo baabi’iyay miinooyin ay aaseen xubnaha kooxda.

Howlgalkan ayaa ku bilawday weerar ay ciidamadu ku qaadeen deegaaanka Baarka oo ay horay uga baxeen, sababo la xiriira dhibaatada ka dhalatay fatahaadii dhawaan dalka ka dhacday.

Ka dib waxay labo jiho ka weerareen deegaanka Baar-Sanguun, iyagoo isticmaalaya wadada isku xirta Muqdisho iyo Kismaayo, waxaana howlgalkan si gaar ah lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda AS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM