Ciidamada Dowladda oo howlgal ku dilay xubno ka tirsan AS

Image
Howlgalkan ayaa si gaar ah lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubnaha AS.

Kismaayo, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda iyo kuwa Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa maanta howlgal milatari ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan ayaa lagu dilay 19 xubnood oo ka tirsan kooxda AS, waxaana ciidamada dowladdu ay gacanta ku dhigeen sagaal xubnood oo kale.

Sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen hub fara badan oo ay ka mid yihiin RPG-2 iyo Qoryaha AK47, iyagoo baabi’iyay miinooyin ay aaseen xubnaha kooxda.

Howlgalkan ayaa ku bilawday weerar ay ciidamadu ku qaadeen deegaaanka Baarka oo ay horay uga baxeen, sababo la xiriira dhibaatada ka dhalatay fatahaadii dhawaan dalka ka dhacday.

Ka dib waxay labo jiho ka weerareen deegaanka Baar-Sanguun, iyagoo isticmaalaya wadada isku xirta Muqdisho iyo Kismaayo, waxaana howlgalkan si gaar ah lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda AS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM