Ciidamada Dowladda oo howlgallo ka fuliyay deegaano hoos yimaada G. Baay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo ka dhan ah kooxda AS ka sameeyay deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed. Taliyaha Ururka 154-8-aad ee qeybta 60-aad Xasan Aadan Cali, ayaa hogaaminayay howlgalka, waxaana lagu beegsaday xubno ka tirsan ‘AS’ oo ku sugnaa deegaano ka tirsan degmada Diinsoor.

Deegaannada Saaxda Rooxaale, Gaanuwaay, Degolool, Banayaal, Biilaale, Degomar, Kurmaan, iyo deegaano kale oo ku yaala Waqooyi Galbeed ee degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa si gaar ah diiradda lagu saaray howlgalkan.

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan ku baaqay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen in dhinac looga soo horjeesto kooxda ‘AS’.

Kooxda ‘AS’ ayaa haatan gacanta ku haysa inta badan ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo in dhawaan laga bilaabo wajiga 2-aad ee howlagalka ka dhanka ah ‘AS’, inkastoo aan muuqan wax diyaar-garow ah ay isugu abuubalayaan dadka deegaanka dagaal ku wajahan kooxda ’AS’.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM