Ciidamada dowladda oo ku dagaallamay Baraawe Shabeellaha Hoose

Image

03 January, 2016(GO)-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan degmada Baraawe ee dhacda xeebta ayaa sheegay inay ku dagaallameen ciidamo katirsan dowladda Somalia, waxaana jira khasaaro kala duwan oo soo gaaray shacab iyo ciidanka.

Ugu yaraan shan qof ayaa dhintay toban kalena waa dhaawacmeen kadib dagaal xooggan oo dhexmaray ciidanka dowladda sida ay xaqiijiyeen maamulka gobolkaas oo aan caddayn sababta labada ciidan isu dagaalleen.

Dadka dhintay ayaa dhammaantooda katirsan ciidanka dowladda ee dagaallamay.

Dagaalka ayaa saameeyay dhaqdhaqaaqa magalada, waxaana dadka deegaanku sheegayaan inay waxyeello ka soo gaartay shacab ay saameeysay xabado habow ah.

Qoryaha noocyadooda kala duwan ayay isweydaarsadeen ciidanku, waxayna ku soo beegantay xilli dabayaaqadii sannadkii tagay laga xoreeyay ururka Al-Shabaab oo mudda gacanta ku hayay.

Arrinta weli kama hadlin dowladda Somalia, balse waxaa lagu soo waramayaa in xaaladdu sidii hore dhaanto, waxayna Baraawe fariisin u ahayd ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM

Weeraro ka dhici lahaa Muqdisho oo laga hortagay

NISA waxay sheegtay in dadka la xiray loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo sharciga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:19AM