Khasaaro ka dhashay dagaalka Mudug

Image

Khasaaro kala duwan ayaaa kasoo baxaya dagaalka saaka waabarigii hore ka dhacay deegaanka Ceel-Cadde oo qiyaastii 35 KM u jirta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhintay 5 qof 10 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, waxaana dagaalku u dhaxeeya mallayshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada maamulka Galmudug.

Dadka dhintay, iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen dhinacyadii dagaallamay.

Sarakiil ka tirsna maamulka Galmudug, ayaa sheegay in dagaalka ay ciidamadooda qaadeen.

Warar madax banaan oo aan ka helayno deegaanka dagaalku ka dhacay, ayaa sheegay in ciidamada weerarka qaaday isaga soo laabteen, kadib markii ay iska caabin xooggan kala kulmeen dhinaca Al-Shabaab.

Xaaladda deegaankii lagu dagaallamay, ayaa wali xiisad laga soo sheegayaa, iyadoo ciidamadii Galmudug ee deegaankaasi weeraray ay ku sugan yihiin meel aan ka fogeyn halkii lagu dagaallamay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM