Ciidamada Itoobiya oo "soo ridday" diyaaradii ku dhacday Bardaale

Image

NAIROBI, Kenya – Warbaahinta dalka Kenya ayaa warisay in diyaaradda ku dhacday magaalada Bardaale, gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu dhuftay mid kamid ah garneelada garbaha laga rido ee Saban.

Mas'uuliyiin ayaa xaqiijiyey dhamaan rakaabkii saarnaa diyaaradda oo gaarayey lix, kuwaasoo isugu jiray Soomaali iyo Ajaaniib ay ku geeriyoodeen shilka.

Mareegga Kahawatungu.com ayaa ku waramay in Sabanka ku dhacay diyaaradda la aaminsan yahay in ay rideen ciidamada Itoobiya ee halkaas jooga.

Diyaaradda Embraer 120 oo ku diiwaan-gishan sumadda 5Y AXO ayaa waxaa iska leh shirkadda African Express oo fadhigeedu yahay waddanka Kenya.

Bardaale ayaa waxaa si buuxda u maamulo ciidamadda Itoobiya. Meesha ay diyaaraddu ku dhacday waxay ku leeyihiin saldhig ciidan.

Xasan Xuseen Eelaay, wasiirka duulista iyo hawada Koonfur Galbeed, ayaa ku adkeystay in ay baarayaan sababta dhalisay in ay soo dhacdo diyaarada.

Sidda laga soo xigtay warbixinta Kahawatungu.com, ciidamadda Itoobiya ayaa "si aan ku talagal ahayn" u riday Sabanka "maadaama aysan ka war hayn in xilligaa ay diyaarad kusoo fool leedahay garoonka oo ku dhow".

Wasiir Eelaay ayaa ka dhawaajiyey in duulimaadka diyaaradda uu saarnaa daawooyin, wallow ay jiraan warar ku qeexaya maandooriyaha Qaadka.

African Express ayaa waxaa iska leh kabtan Muuse Xasan Bulxan, oo ah mid kamid ah duuliyeyaasha iyo ganacsatadda Kenya. Sidoo kale, waa mid kamid ah shaqsiyaadkii ugu horeeyay ee qaaradda Afrika ku yeeshay diyaarad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM