Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Image
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

Baydhabo, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed oo kaashanaya Ciidanka NISA iyo kuwa deegaanka ayaa kala wareegay kooxda AS deegaanka Taflow oo 28km Dhanka Koonfur kaga beegan Degmada Berdaale ee gobolka Baay.

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ku sheegtay in Ciidamadu ay ku guuleysteen burburinta dhaca burburiyay Saldhig ay AS ku lahaayeen deegaanka Taflow.

Ciidanka Sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka iyo kuwa Deeganka ayaa howlgalkaan ku dilay 9 xubnood oo la tirsanaa kooxda AS.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in ciidanka ay ka furteen kooxda inta lagu guda jiray howlgalka 7 qori oo AK 47 ah, hal qori oo BKM iyo Sanduuqyo Rasaas ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay maalmihii la soo dhaafay in dib loo dardargelin doono dagaalka ka dhanka ah kooxda AS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo ku heshiiyay is-dhaafsiga maxaabiista

Golaha Wasiirada ayaa Khamiista maanta ah meelmariyay heshiiskan oo ka kooban afar qeybood.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 09:14AM

Haweeney caan ka ah baraha bulshada oo shil gaaray ugu geeriyootay dalka Kenya

Dad badan ayaa baraha bulshada uga falceliyay geerada naxdinta leh.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 12:08PM