Ciidamado xoog ku galay Guriga Senator Cabdi Qeybdiid

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo wata gaadiidka dagaalka ayaa xoog ku galay Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale [Cabdi Qeybdiid] ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegay in ciidamada ay baaritaan ku hayaan Guriga Cabdi Qeybdiid oo katirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo aan wali la ogeyn sababta ka dambaysa weerarka lagu qaadey Hoyga Senator-ka.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxa dowladda Soomaliya iyo Hay'adaha amniga oo ku aadan baaritaanka lagu samaynayo Guriga Cabdi Qeybdiid ee magaalada Muqdisho.

Tan ayaa kusoo beegmaysa xilli 17-kii bishan ay ciidamada NISA ay weerar ku qaadeen Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishkuur, kaasi oo lagu dilay 5 Askari oo ilaaladiisa kamid ahaa iyo qof shacab ah.

Fahfaahinta warka kala soco Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM