Ciidamada oo maciin-biday badda xili ay Al-Shabaab kordhisay qaraxyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Doon ay saarnaayeen askar iyo hub ayaa Axada maanta ah ku degtay meel dhowr mile u jirtay dekadda Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska Ciidamadda Soomaaliya ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in xoogaga oo tirsanaa guutadda 14-ka October ay tiradoodu gaareysay 13 oo uu ku jiro taliyihii guutaddaas.

Gaashanle Axmed Cabdi Cali [Gaashaan] iyo tobban kamid ahaa askarta ayaa lasoo badbaadiyey, sidda uu sheegay taliska, waxaase la baadigoobayaa saddexda kale.

Doonyo nooca dheereeye ah ayaa waxaa loo diray gobolka si ay ugu biiraan howlgaladda lagu raadinayo askarta maqan ee aan wali raq iyo ruuxda lagu haynin.

"Shilka qabsaday difaaca dalka ayaa ka dhacay xeebta degaanka Cad-caddey," ayaa lagu yiri qoraalka, oo eheladda askartaas lagu wargeliyay "in ay is-dejiyaan ayna naga war-sugaan".

Waa markii ugu horeysay inta la og-yahay uu shil noocaan ah qabsado Ciidamadda Soomaaliya oo u muuqda in ay maciin-badeen badda markii ay kordheen qaraxyada Al-Shabaab.

– Naadir –

Isticmaalka gaadiidka badda oo ah wax naadir ku ah Ciidamadda Soomaaliya ayaa ka dambeysay markii ay Al-Shabaab kordhisay weeraradda Miinooyinka oo dhimasho keena.

Tobanaan askari ayaa ku dhimatay qaraxyo ciidanka lagula eegtay gobolka Shabeellaha Hoose bilooyinkii lasoo dhaafay, waxaana xubnaha ku naf-waayey ku jiray saraakiil sar-sarre.

Askartii ugu dambeysay ee baxda Miinooyinka oo lagula eegtay duleedka Muqdisho gaar ahaan Weydow iyo Siinka Dheere bishii hore ayaa ka kala tirsanaa Danab iyo Haram-cad.

Danab, oo kumaandooska ka tirsan, ayaa waxaa si gaar ah tababar u siiya ciidanka Mareykanka ee jooga xeradda diyaaradaha milatariga ku degaan ee Beladoogle.

Haram-cad oo ah booliska sidda gaarka ah loo tababaray ayaa waxaa soo saara Turkiga, waana qayb kamid ah dufcadihii ugu horeeyay ee kasoo baxa Saldhiga weyn ee TURKSOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM