Ciidamada Ruushka oo La Geeyay Saldhigga Niger Xilli Ay Joogaan Kuwa Mareykanka

Image

NIAMEY- Saraakiil ka tirsan Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Ruushka la geeyay saldhig cirka oo ku yaal Niger, halkaas oo ay sidoo kale ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii hoggaamiyeyaasha milatariga ee Niger ay amreen in ciidamada Mareykanka ee ka howlgalayay gobolka si ay ula dagaallamaan kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah inay ka baxaan dalka.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Mareykanka, ciidamada Ruushka ayaa jooga saldhigga ku yaal caasimadda Niger ee Niamey, inkastoo aysan isku dhafanayn ciidamada Mareykanka. Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, oo saxaafadda kula hadlay Honolulu, Hawaii, ayaa sheegay in aanu jirin "halis" ay ciidamada Ruushku ku hayaan ciidamada Mareykanka. "Ruushku waxay ku sugan yihiin xero gaar ah mana helaan marin ay ku arkaan ciidamadeenna ama qalabkeenna," ayuu yiri Mr. Austin.

Niger, oo ku taal gobolka Sahel ee Afrika, ayaa loo arkaa xudunta cusub ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee caalamiga ah. Mareykanka ayaa saldhigga milatari ee Niger u adeegsaday si uu ula socdo dhaqdhaqaaqyada jihaadiyiinta gobolka, laakiin xiriirka uu la leeyahay maamulka milatariga ee dalkaasi ayaa xumaaday kaddib markii uu cambaareeyay afgambigii ka dhacay sanadkii hore.

Dhinaca kale, Niger ayaa u weecatay dhinaca Ruushka si ay gacan uga hesho dagaalka ka dhanka ah kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah ee koonfurta dalka. Ciidamada Ruushka ee la geeyay Saldhigga 101 ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Niamey ayaa lagu sheegay inay yihiin tababarayaal milatari.

Sida laga soo xigtay Reuters, saraakiisha Niger ayaa horraantii sanadkan u sheegay Mareykanka in qiyaastii 60 askari oo Ruush ah la geyn doono dalkaas. Ma cadda tirada saxda ah ee ciidamadaas iyo inta askari ee Mareykan ah ee weli ku sugan Saldhigga 101.

Xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka ayaa si weyn u sii xumaanayay tan iyo markii Madaxweyne Vladimir Putin uu bilaabay duullaanka buuxa ee uu ku qaadey Ukraine bishii Febraayo 2022, iyadoo Mareykanka hoggaaminayo dadaallada reer Galbeedka ee hubka loogu deeqayo Ukrain.

Paul Melly, falanqeeye ku takhasusay Galbeedka Afrika oo ka tirsan machadka Chatham House, ayaa sheegay inuusan arkin wax fursad ah oo ay isku dhacaan ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ruushka. Mr. Melly ayaa BBC u sheegay in Mareykanku uu dadaal u galay inuu sii joogo Niger, balse hoggaanka milatariga dalkaasi ay diideen isku daygooda.

Bishii Maarso, Niger waxay amartay in dhammaan ciidamada Mareykanka ay ka baxaan dalka. Afhayeenka milatariga, Col Amadou Abdramane, ayaa ku eedeeyay Mareykanka inay ka soo horjeesteen xulafada ay Niger kamid noqotey.

Sida uu sheegay Mr. Melly, ma jirto cad deyn muujinaysa in Ruushku ku cadaadinayo Niger - ama Mali iyo Burkina Faso - inay eryaan ciidamada Reer Galbeedka, hase yeeshee, waxaa muuqata inay ka faa'iideysanayaan xaaladda. Weli ma cadda kaalinta dhabta ah ee ay Ruushku ka qaadan karaan amniga Niger.

Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika, Gen Michael Langley, ayaa BBC u sheegay in Mareykanku uu doonayo inuu sii wado xiriirka uu la leeyahay Niger - iyo sidoo kale Chad.

Gen Langley ayaa sheegay in ururada xagjirka ah ay yihiin khataraha ugu weyn ee xasiloonida Afrika. Arbacadii, tiro ciidamo ah ayaa ka baxay Chad, kaddib markii hoggaamiyeyaasha milatariga dalkaasi ay muujiyeen walaac ku saabsan joogitaankooda ka hor doorashooyinka 6-da Maajo.

Dhowr dal oo kale oo ay milatari hoggaamiyaan oo ku yaal gobolka Sahel ayaa sidoo kale xoojiyay xiriirka ay la leeyihiin Ruushka isla markaana u jaray xiriirka ay lahaayeen Faransiiska, oo ah quwaddii gumeysiga hore, iyagoo isku dayaya inay la dagaallamaan kacdoonka Islaamiyiinta ee gobolka.

Gen Langley ayaa sheegay in "ujeeddada ugu weyn" ee Mareykanku tahay inuu sii wado wadahadalka uu la leeyahay dalalkaas oo ay la wareegeen maamullo milatari si loogu soo celiyo jidka ku wajahan dimuqraadiyadda. Sanadkii hore, Niger iyo Burkina Faso - oo sidoo kale ka dhaceen afgambiyo milatari - ayaa ku dhawaaqay inay raacayaan Mali oo ka baxaya ciidanka caalamiga ah ee G5 oo loo aasaasay iney la dagaallamaan kooxaha xagjirka ah ee gobolka ka jira.

Saddexdan dal ee ay maamulaan milatari ayaa beddelkii waxay sameysteen isbahaysi cusub - kaas oo loogu magac darey Isbahaysiga Dalalka Sahel.

Related Articles

Soomaaliya: Diyaarado ka degay Kismaayo iyo Isku-daygii DFS ee xayiraadda oo fashilmay

Waxay tani muujinaysaa inuusan shaqeyn isku-daygii maamulka Xasan Sheekh ee diyaaradaha looga joojiyay Kismaayo.

  • Soomaliya

    19-01-2025

  • 01:27PM

Soomaaliya: Wasiirka Gargaarka Puntland oo Beenisay hadal kasoo yeeray SoDMA

Waxay sidoo kale tilmaantay in Puntland ay wajaheyso caqabado adag oo bani’aadamnimo, kuwaas oo ka dhashay abaaro daba dheeraaday.

  • Soomaliya

    19-01-2025

  • 11:17AM