Ciidamada Somaliya oo sheegey in saraakiil ajnabi ah dileen

Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia- Taliska ciidamada xoogga dalka Somaliya ayaa sheegey weerar qorsheysan oo ciidanka Kumaandooska ka sameeyeen gobolka Shabeelaha hoose ku dileen saraakiil ajaanib ah kuwasoo kuwasoo Ka tirsanaa ururka Daacish.

Warsaxafdeed kasoo baxey taliska ciidamada Somaliya ayaa lagu sheegey in dagaal lagu qaadey xarun kooxdaani daganeyd ku dileen 12 sarkaal oo isugu jira Somali iyo Ajaanib.

“Ciidamada oo ku gudajira howlgallada joogtada ah ayaa weerar la qorsheeyay ku qaaday mucaskar ay tababar ku qaadanayeen koox ka tirsan Daacish, halkaasna lagu dilay 12 ka tirsan kooxdaasi oo isugu jira Somali iyo Ajaanib kadib markii ay iskacaabin kala hor yimaadeen ciidamada howlgalka sameynayey." Sidaas waxaa lagu sheegey qoraalka kasoo baxey Taliska ciidamada Somaliya.

Ururka Daacish oo ka dagaalama wadamada Suuriya iyo Ciraaq ayaa dhowaan kooxo Ka falaagoobey ururka Al Shabab waxay xarumo Ka sameysteen degaano ka tirsan koonfurta Somaliya iyo Puntland.

Kooxdaani ayaa dhowaan sheegatey in weerarkeedii ugu horeeyey ku qaadey ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Somaliya kuwasoo marayey jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM