Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland oo howlgallo ka bilaabay deegaano ka tirsan Jubbada Hoose

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Jubbaland ay ka sameeyeen duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalladan oo ahaa kuwo qorsheysan ayaa si gaar ah waxa ay ciidamadu ku bartilmaameedsanayeen deegaano ay kooxda ‘AS’ ku leeyihiin fariisin.

Ciidamada isku dhafka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ku guuleystay in ay la wareegaan deegaano istiraatiiji ah oo ku yaala galbeedka magaalada Kismaayo.

Deegaanadan ayaa waxaa ka mid ah Barjala, Dharkayn urur, Sariiraha, Orgiyow, Yaaq caleen iyo Aboodin, kuwaasi oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan ayaa noqonaya bilawgii wejigii labaad ee dagaalka dowladda federaalka Soomaaliya kula jirto xoogaga Al-Shabaab.

Gobolka Jubbada Hoose ayaa muddo dheer waxaa lagu tiriyaa in uu yahay goob ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab, iyada oo guulihii u dambeeyay ay ciidamadu ka gaareen lagu tilmaamay dhabar jab weyn oo soo gaartay ‘AS’.

Kala Soco Garowe Online Wixii Soo Kordha

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM