Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Image
Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar xooggan oo Al-Shabaab ay ku soo qaadeen.

Weerarkan ugu dambeeyay, oo lagu tilmaamay qaraxyo miino oo ay daba socdeen dagaal xooggan, ayaa noqonaya kii saddexaad oo ay Al-Shabaab ku doonayso inay dib ugu qabsato goobta muhiimka ah.

Cali C/llaahi Cali oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ka warbixiyay xaalada deegaanka Xawaadley, wuxuuna sheegay in ciidamadu ay iska caabiyeen raggii weerarka soo qaaday, isla markaana ay hadda ku raad joogaan raggii weerarka soo qaaday.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, ayaa haddana wararka laga helayo deegaanka waxay sheegayaan in uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Weerarka ayaa waxaa ku lug lahaa Al-Shabaab, waxaana lala beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa wali soo baxaya faah faahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarka iyo sida ay u fuliyeen howlgalladaasi, iyadoo xaaladdu ay waqti-xaadirkan tahay mid soo hagaageyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM