Ciidamada Xasilinta oo howlgal gaar ah ka fuliyay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Xaslinta Caasimadda ayaa xalay howlgal gaar ah ka fuliyay xaafado katirsan magaalada Muqdisho, oo ay ka dhacayeen mudooyinkii dambe dilal qorsheysan iyo weeraro Askar lagu dilay.

Boqolaal qof, oo dhalinyaro u badan ayaa lagu soo qabtey howlgalka oo xoogiisa ka dhacay xaafadda Towfiiq, ee degmada Yaashqiid halkaasi oo xalay lagu dilay Askari katirsanaa Ciidanka dowladda iyo qof shacab ah.

Ciidamada ayaa baaritaan ku sameeyay guryaha ku yaalla Xaafadda Towfiiq, iyagoo kala soo baxay dhalinyaro badan oo ay uga shakiyeen inay la shaqeeyaan Kooxda Al-Shababaab, sida ay dadka deegaan u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online.

Boqolaalka ruux ee lagu soo qabtay howlgalka ayaa lagu kala saarey meel barxad ah, iyadoo dhowr shaqsi oo laga shakiyay ay Ciidamada kasoo kaxaysteen goobta, kuwaasi oo la dhigay xabsi su'aallo lagu waydiinayo.

Howlgallada noocan ah ayaa mudooyinkii dambe ka socday Muqdisho, kuwaasi oo ay fulinayaan Ciidamada loo xilsaarey xasilinta Caasimadda kadib markii Al Shabaab kordhisay weerarada qaraxyada ah iyo dilalka.

Dowladda waxay kaloo Ciidamo dhigtay wadooyinka soo gala magaalada oo lagu baaro gaadiidka kala duwan ee ka yimaada gobollada dalka, gaar ahaan Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM

Dalal katirsan Afrika oo diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in Israa’iil ay waqtigan ku dhawaaqdo aqoonsigan, iyo in ay filayso wax ay ku beddesho.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:43PM