Ciidamada Xoogga dalka oo si rasmi ah loogu wareejiyay amniga Madaxtooyada Qaranka

Image
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada, ka dib 16 sano ay Ciidamada Afrika ee ATMIS ay door ku lahaayeen sugidda amniga Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Villa Soomaaliya oo ay ka qeyb-galeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdixakiim Maxamed Yuusuf iyo Wakiillada Midowga Afriga iyo Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey Guutada 77-aad ee Xoogga Dalka la wareegidda masuuliyadda amniga Madaxda dalka ayaa tilmaamay macnaha ay leedahay tallaabadan oo ka tarjumeysa dib u soo laabashada cududda iyo awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh ayaa kormeeray Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada oo u soo bandhigay sida ay ugu diyaarsan yihiin sugidda amniga Madaxda dalka, waxa uuna u mahadceliyey saraakiisha iyo askarta ATMIS ee sanaddada badan ku gacansiinaysa sugidda amniga hoggaanka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM

Xasan Sheekh: Aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland waa mid kamid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay weli taageersan tahay xalka laba dowladood ee arrinta Falastiin.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 09:07AM