Ciidamadda Soomaaliya oo Al-Shabaab ka qabsaday degaano horleh

Image

BAARDHEERE, Jubaland – Taliska Ciidamadda Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ka warbixiyey howlgalo ay ka sameeyeen degaano dhaca gobolka Gedo ee koonfurta wadanka dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika.

Abaanduulaha Ururka 49aad Guutada 1-aad qeybta 43aad, Xidigle Maxamed Weli Cabdullaahi Xersi ayaa xusay in ay xorreeyeen tuulooyin horleh.

Mr Xersi oo la hadlay warbaahinta milatariga ayaa caddeeyay in ay la wareegeen gacan ku haynta degaanadda Reydab iyo Daar Macalin.

"Degaanadan aan qabsanay waxaa kuwa Istaraatiiji ah, waxayna argagixisadda ka wadeen dhibaateynta shacabka," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Labadan degaan ayaa qiyaastii 40 KM u jira magaaladda Baardheere, halkaas oo ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin.

"Meelaha aan qabsanay waxaa ku jira fariisimaha argagixisadda. Qabsashadeena waxay timid dagaal," ayuu ku daray sarkaalka, isaga oo aan soo hadal-qaadin khasaaraha labadda dhinac.

Marka laga soo tago sheegashadda ciidamadda Soomaaliya, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Soomaaliya ayaa waxay gobolada dalka ka wadeen howlgalo baaxad leh oo ururka Al-Shabaab looga saarayo meelaha baaqiga ku ah gacantooda kahor doorashada 2020-21 ee qofka iyo codka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM