Ciidamadda Soomaaliya oo ku lug-yeeshay jebinta xayiraadaha Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadii Soomaaliya ee 26-kii bishii May, 2020 qaraxa lagula eegtay degaanka Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la sheegay in ay wadeen khaad si dhuumaaleysi ah lagu soo geliyey dalka.

Barnaamijka Galka Baarista ee laanta Af Soomaaliga VOA-da ayaa wariyey in khaadkaas ay dalka soo gelisay diyaarad ay leedahay shirkadda Silver Stones ee ka diiwaan-gishan Kenya, balse ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa lagu dilay Sagaal askari. Dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ayaana sheegtay falkaas.

Laba maalmood kadib, 28-kii, May, 2020, dil kale oo la xiriiray qaraxaas ayaa ka dhacay duleedka magaalada Balcad, waxaana lagu khaarijiyey sideed qof.

Sideedaas ruux ayaa midkood wuxuu ahaa rayid, halka 7-da kale ay ahaayeen howlwadeeno caafimaad oo ka howlgalayey Isbitaal halkaas ku yaala.

Sidda ku xusan warbixinta, diyaaradda Khaadka ka dejisay Jowhar ayaa ku qarisay kartuumo ay ku qoran yihiin Covid-19, waana tab ay adeegsanayeen shirkadaha meel kaga dhacayey xayiraadaha loosoo rogay Covid-19 dartiisa.

Wadarta guud ee uu galaaftay maandooriyahaas sidda sharci-daradda ah dalka lagu soo geliyey ayaa gaareysa 17, oo midkood uu shacab, halka inta kale ay safka hore kaga jireen la dagaalanka Al-Shabaab iyo safmarka Covid19.

Ciidamadaas gabaadka siinayey khaadkaas laga dejiyey Jowhar ayaa kusoo wajahnaa Muqdiso. Taliska ciidanka xoogga wali kama jawaabin arrintan.

Kadib markii bishii Maaj dalka laga xaqiijiyey kiisaska Covid-19, dowladda Soomaaliya ayaa May soo rogtay xayiraadyo dhanka ah hawada ah iyo in dalka aan lasoo gelin karin Khaadka si uusan u faafin cudurkaan dilaaga ah.

Hase ahaatee, diyaarado ayaa ku xadgudbayey xayiraadahaas, waxaana badankooda laga leeyahay Kenya. Dowladda waxay sheegtay in ay ganaaxdey shirkadaha qaar, siiseyna digniino ay ku weyn karaan ruqsadahooda.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka duulista hawada oo u waramay Galka Baarista, ayaa diyaaradaha ku eedeeyay "khiyaano".

Inkasta oo ay tahay xadgudub, haddana waxay u muuqataa mid halis u ah caafimaadka guud ee dadweynaha, taas oo loo fasiran karo khatar ka dhan ah amniga qaranka, maadaama ay fashilineyso dhaqangalka amar dowladeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM