Ciidamda dowladda oo Howgal ka fuliyay Afgooye [Dhageyso]

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka Howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka fuliyay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Taliyaha Booliska Afgooye Cabdiqaadir Cismaan Mursal ayaa sheegay in howlgalka uu yahay ujeedkiisa in lagu sugo amaanka iyo in lagu soo qabto kuwa geestay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada.

Waxaa uu xusay in Al-Shabaab ay dilalka ka fuliyaan inta badan goobaha aysan degmada ka joogin ciidamada amaanka, sidaasi darteed ay xoojinayaan howlgallada ka dhanka ah falalka amni darrada ah.

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii shalay Koox hubaysan oo katirsan Al Shabaab ay ku dileen Abuukar Qaasim "Toshiiba" gudaha goob ganacsi oo uu ku lahaa degmada Afgooye.

Tiro dad ah oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin dilka Ganacsadaha ayay ciidamada soo qabteen kuwaasi oo su'aallo lagu waydiinayo saldhigada degmada, sida uu sheegay Taliye Cabdiqaadir. 

Abuukar Qaasim oo lagu dhex dilay Dukaankiisa gudaha Afgooye

Degmada Afgooye oo 30KM u jirta Muqdisho ayaa waxay ahayd meel amnigeeda uu fara kasii baxayo mudooyinkii dambe iyadoo ay ka dhacaan dilal iyo weeraro culus oo Kooxda Al Shabaab kusoo qaado.

Ciidamada ku sugan degmada ayaa lagu eedeeyay inay ka gaabiyeen wax ka qabashada xaaladda degmada, oo muhiim u ah dowladda maadaama ay isku xirto Caasimadda iyo gobollada Koonfureed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo Gaar ah oo ilaalo u ah Madaxweyne Deni oo loo diray Muqdisho

Kulankan, oo markii hore loogu qorsheeyay Axadda maanta, ayaa dib loo dhigay sababo farsamo awgood.

  • Soomaliya

    01-02-2026

  • 07:37AM

Garsoore Federaal ah oo Amray in la Sii Daayo Wiil Shan Jir ah iyo Aabbihii oo ay ICE Xirtay

Garsooraha, Fred Biery, ayaa go’aankiisa ku sheegay in waraaqaha qabashada ee ay hay’adaha…

  • Soomaliya

    01-02-2026

  • 05:28AM