Ciidamda dowladda oo Howgal ka fuliyay Afgooye [Dhageyso]

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka Howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka fuliyay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Taliyaha Booliska Afgooye Cabdiqaadir Cismaan Mursal ayaa sheegay in howlgalka uu yahay ujeedkiisa in lagu sugo amaanka iyo in lagu soo qabto kuwa geestay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada.

Waxaa uu xusay in Al-Shabaab ay dilalka ka fuliyaan inta badan goobaha aysan degmada ka joogin ciidamada amaanka, sidaasi darteed ay xoojinayaan howlgallada ka dhanka ah falalka amni darrada ah.

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii shalay Koox hubaysan oo katirsan Al Shabaab ay ku dileen Abuukar Qaasim "Toshiiba" gudaha goob ganacsi oo uu ku lahaa degmada Afgooye.

Tiro dad ah oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin dilka Ganacsadaha ayay ciidamada soo qabteen kuwaasi oo su'aallo lagu waydiinayo saldhigada degmada, sida uu sheegay Taliye Cabdiqaadir. 

Abuukar Qaasim oo lagu dhex dilay Dukaankiisa gudaha Afgooye

Degmada Afgooye oo 30KM u jirta Muqdisho ayaa waxay ahayd meel amnigeeda uu fara kasii baxayo mudooyinkii dambe iyadoo ay ka dhacaan dilal iyo weeraro culus oo Kooxda Al Shabaab kusoo qaado.

Ciidamada ku sugan degmada ayaa lagu eedeeyay inay ka gaabiyeen wax ka qabashada xaaladda degmada, oo muhiim u ah dowladda maadaama ay isku xirto Caasimadda iyo gobollada Koonfureed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM