Ciidamda Dowladda oo howlgal miino-baaris ah ka wada degmada Ceel Garas

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka heleysa dadka deegaanka ayaa maalmahan waxa ay howlgalo ka wadaan magaalada Ceel-garas iyo deegaanada kale ee ku dhow. Howlgalladan ayaa isugu jira baaritaanno iyo soo saarista miinooyin la sheegay in lagu aasay deegaanadaas.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka, ujeedka koowaad ee howlgalladan ayaa ah sidii dadka deegaanka looga badbaadin lahaa dhibaatooyinka ka dhalan kara qaraxyadan.

Hal qof oo reer Ceel-Garas ah ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay meel ka baxsan magaalada. Dhacdadani ayaa sii iftiimisay muhiimadda ay leedahay dedaallada miino-baarista ee socda, sida ay qireen masuuliyiinta iyo dadka deegaanka.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si hagar la’aan ah u wada howlgalo miino baaris ah oo ay ku baarayaan goobihii ay dhawaan kala wareegeen kooxda xagjirka ah ee loo yaqaan 'AS'.

Ujeedka laga leeyahay howlgalladan ayaa ah in si nabad ah deegaanda looga saaro miinooyinka ka hor inta aysan ku soo laaban dadka guryahoodii ka qaxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM