Ciidamo ajnabi ah oo lagu wareejinayo amaanka Xarunta Aqalka Sare [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo Ajnabi ah oo ka socda Midowga Africa ayaa lagu wadaa inay la wareegaan mas'uuliyadda amaanka Xarunta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gollaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xaqiijiyay inay warqad ay u direen Taliska AMISOM, taasi oo ay kaga codsadeen inay la wareegaan amaanka Xarunta Senate-ka, taasi oo hadda ay ilaaliyaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

"Aqalka Sare go'aan ayuu ku gaarey in Ciidamada AMISOM lagu wareejiyo amaanka xarunta, waxaana qoraal u dirnay Taliska AMISOM, oo aan jawaab ka sugayno waxaana rajeynayaa inay naga aqbali doonaan dalabkeena," ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ma uusan sheegin sababta keentay inay ku kalsoonaan waayeen Ciidamada Qaranka, balse arinta ayaa kusoo beegmaysa xilli Ciidamo katirsan dowladda ay weerar ku qaadeen Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid 2017-kii.

Xaruumaha muhiimka dowladda gaar ahaan Villa Soomaaliya, xarunta Gollaha Shacabka, Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda waxaa amaankooda ilaalisa AMISOM, iyadoo dalka uu leeyahay Ciidamo qaran oo qaban kara howshan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM