Ciidamo ajnabi ah oo lagu wareejinayo amaanka Xarunta Aqalka Sare [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo Ajnabi ah oo ka socda Midowga Africa ayaa lagu wadaa inay la wareegaan mas'uuliyadda amaanka Xarunta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gollaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xaqiijiyay inay warqad ay u direen Taliska AMISOM, taasi oo ay kaga codsadeen inay la wareegaan amaanka Xarunta Senate-ka, taasi oo hadda ay ilaaliyaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

"Aqalka Sare go'aan ayuu ku gaarey in Ciidamada AMISOM lagu wareejiyo amaanka xarunta, waxaana qoraal u dirnay Taliska AMISOM, oo aan jawaab ka sugayno waxaana rajeynayaa inay naga aqbali doonaan dalabkeena," ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ma uusan sheegin sababta keentay inay ku kalsoonaan waayeen Ciidamada Qaranka, balse arinta ayaa kusoo beegmaysa xilli Ciidamo katirsan dowladda ay weerar ku qaadeen Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid 2017-kii.

Xaruumaha muhiimka dowladda gaar ahaan Villa Soomaaliya, xarunta Gollaha Shacabka, Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda waxaa amaankooda ilaalisa AMISOM, iyadoo dalka uu leeyahay Ciidamo qaran oo qaban kara howshan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM