Ciidamo Ajnabi ah oo Qarax lagu eegtay Koonfurta Soomaaliya

Image

JALALAQSI, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan Qarax Miino oo ciidamo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM lagu eegtay Tuulooyin hoos-taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa kadib waxaa xigay iska hor-imaad dhex-maray Rag hubeysan oo ka trisan Al-Shabaab, iyo waliba ciidamadda AMISOM gaara ahaan qeybtooda ku sugan gobolka ee kasoo jeeda dalka Jabuuti.

Dadka deegaanka ayaa waxay Telefoonka ay ugu sheegeen Warsidaha Garowe Online inay maqlayeen Rasaas xoog leh oo ay is-dhaafsanayeen Labadda dhinac, taasoo ay wahlineysay Hoobiyaal.

"Ciidamadda Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM, oo Biyo usoo doontay deegaan duleedka uga yaala Jalalaqsi ayaa waxaa lala eegtay Qarax Miino, kadib waxay dagaal la galeen Rag Shabaab ah," dadka deegaanka ayaa sidaas ugu waramay Warsidaha GO.

Geesta kale, dagaalkaas kadib, ayaa waxaa la sheegayaa in ciidamadda Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ay dagaal ku qaadeen Saddex tuulo oo duleedka uga taala Jalalaqsi, halkaasoo ay maamulaan Shabaab.

Maamulka gobolka iyo kan deegaanka oo uwaramay warbaahinta maxaliga ah waxay xaqiijiyeen inuu jiro dagaalkaan, balse, waxay ka gaabsadeen inay bixiyaan faah-faahino dheeraad ah.

AlShabaab dhankooda wali wax war ah kama aysan soo saarin dagaalkaan iyo Qaraxa ay la beegsadeen Kolanyadda AMISOM ka tirsan gaara ahaan ciidamadda ka socda dalka Jabuuti.

Shalay ayey ahayd markii dagaalo ka dhacay duleedka Degmadda Qoryoolay ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab udhaxeeyay, ay saraakiisha ciidanka xooga dalka ku sheegteen inay ku dileen Rag ka tirsan Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM