Ciidamo Ajnabi ah oo Qarax lagu eegtay Koonfurta Soomaaliya

Image

JALALAQSI, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan Qarax Miino oo ciidamo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM lagu eegtay Tuulooyin hoos-taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa kadib waxaa xigay iska hor-imaad dhex-maray Rag hubeysan oo ka trisan Al-Shabaab, iyo waliba ciidamadda AMISOM gaara ahaan qeybtooda ku sugan gobolka ee kasoo jeeda dalka Jabuuti.

Dadka deegaanka ayaa waxay Telefoonka ay ugu sheegeen Warsidaha Garowe Online inay maqlayeen Rasaas xoog leh oo ay is-dhaafsanayeen Labadda dhinac, taasoo ay wahlineysay Hoobiyaal.

"Ciidamadda Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM, oo Biyo usoo doontay deegaan duleedka uga yaala Jalalaqsi ayaa waxaa lala eegtay Qarax Miino, kadib waxay dagaal la galeen Rag Shabaab ah," dadka deegaanka ayaa sidaas ugu waramay Warsidaha GO.

Geesta kale, dagaalkaas kadib, ayaa waxaa la sheegayaa in ciidamadda Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ay dagaal ku qaadeen Saddex tuulo oo duleedka uga taala Jalalaqsi, halkaasoo ay maamulaan Shabaab.

Maamulka gobolka iyo kan deegaanka oo uwaramay warbaahinta maxaliga ah waxay xaqiijiyeen inuu jiro dagaalkaan, balse, waxay ka gaabsadeen inay bixiyaan faah-faahino dheeraad ah.

AlShabaab dhankooda wali wax war ah kama aysan soo saarin dagaalkaan iyo Qaraxa ay la beegsadeen Kolanyadda AMISOM ka tirsan gaara ahaan ciidamadda ka socda dalka Jabuuti.

Shalay ayey ahayd markii dagaalo ka dhacay duleedka Degmadda Qoryoolay ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab udhaxeeyay, ay saraakiisha ciidanka xooga dalka ku sheegteen inay ku dileen Rag ka tirsan Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM