Ciidamo badeed oo ay Soomaaliya yeelato oo go'aan laga gaarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib kulan ay Muqdisho ku yeesheen Wasaaradaha Amniga ee maamul goboleedyadda dalka, iyo midda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu heshiiyay in Soomaaliya ay sameysto ciidamo Badeed xoog leh.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdinaasir Saciid Muuse, oo shirkaan kadib la hadlay saxaafadda wuxuu sheegay in Badda Soomaaliya ay hadda tahay mid furan, oo aan lahayn wax ilaalo ah.

"Badeena waa mid hadda iska furan, waxaana ku heshiinay in Soomaaliya ay yeelato ciidamo badeed si aan uga hortagno Hubka sharci daradda ee kooxaha argigixisadda loo soo mariyo," ayuu wasiirka hadalkiisa raaciyay.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmayaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay hadda wajahayso eedaymo ku aadan inay Hub si sharci darro ah uga soo iibsatay Jabuuti, kaasoo loo waday Xuutiyiinta Yemen. [Halkan ka akhri Warka]. 

Puntland ayaa ah maamulka kaliya ee Soomaaliya oo leh ciidamo Badeed shaqeeya kuwaasoo la aas-aasay 2011, waxaana taageero siisa dowladda dowladda Imaaraadka.

Go'aankan dib loogu dhisayo Ciidanka Badda Soomaaliya ayaa sidoo kale imaanaya xilli dhawaan Itoobiya sheegtay inay sameysaneyso ciidamo Badeed, oo lagu sheegay kuwa ugu xooga badan Afrika, waxaana labada dowladood ay dhawaan kala saxiixdeen is-afgarad ah oo dhanka Dekedaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM

Mungaab: Musuqmaasuq baahsan ayaa curyaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Arrintan ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda hoose.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 06:39AM