Ciidamo cusub oo ku biiray dagaalka ka dhanka ah al-shabaab

Image

CADALE, Soomaaliya - Boqolaal ka tirsan ciidamada deegaanka ayaa isugu soo baxay degmada Cadale, si ay u muujiyaan sida ay diyaar ugu yihiin ka qeyb galka dagaalka ka socda bariga gobolka Galgaduud.

Tirada askartan ayaa gaaraysa 1,500 oo askari, kuwaas oo ka soo jeeda degmada Cadale, ujeedkooduna yahay sidii ay dalka uga saari lahaayeen kooxda al-Shabaab, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda.

Xildhibaan Yaasiin Farey oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay askartan ayaa u ballan qaaday in laga farxin doono haddii ay gacanta ku soo dhigaan deegaanada bariga Galgaduud.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ciidamo badan oo gobolka Hiiraan ku sugan ay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Galguduud, iyaga oo kaalmo ka hlaya dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM