Ciidamo Itoobiyaan ah oo bandhow ka dhaqan geliyay degmada Doolow

Image
Bandowga ayaa looga hortagayaa weerarada ka dhanka ah dadka Oromada ah ee ku sugan gobolka Gedo.

Doolow, Soomaaliya - Ciidamada Itoobiya ayaa bandow rogay magaalada Doolow ee degmada Gedo ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland, kaasoo ka dhashay caro dadweyne, maadaama ciidamadan aysan ka tirsaneyn ciidamda ATMIS.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa dadka ku dhaqan Doolo ku qasbaya in ay guryahooda ku noqodaan xilli hore, sida ay ku soo warrameen dad ku sugan magaalada.

Maalmihii la soo dhaafay ayay ciidamdan ku guuleysteen in ay dhaqan geliyaan bandowga, iyaga oo howlgallo ka sameeyay xaafadaha kala geddisan ee degmada Doolow.

Ciidamda Itoobiyaanka ayaa la sheegay in bandowga uga hortagayaan weerarada ka dhanka ah dadka Oromada ah ee ku sugan gobolka Gedo, kaasi oo ku bilawday dil loo geystay 5 Itoobiyaan oo ku sugnaa maqaaxi ku taalla Degmada Beledxaawo.

Talaabooyinkan ayay Soomaalidu siyaabo kala duwan uga falceliyeen baraha bulshada, iyagoo qaarkood dalbanayay in la xaddido dhaqdhaqaaqa Itoobiyaanka ku dhaqan gudaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garowe Online oo ka digtay xannibaadaha Facebook, xilli Meta lagu haysto qaladaadka AI-da

Sida ay qortay The New York Times, Meta waxay sii ballaarinaysaa adeegsiga AI-da si ay u go’aamiso akoonnada la xannibayo.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 04:59AM

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM