Ciidamo loogu magacdaray "Nabad ku Afur" oo lasoo bandhigay

Image
Ciidankan la dhaariyay ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa illaa saddex boqol askari ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa ka qeybgalay Manaasabada Dhaarinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee shalay loogu soo xiray Dugsiga Tababarka S/guuto Kaahiye.

Munaasabada dhaarinta Ciidankan waxaa ka soo qeybgalay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya S/guuto Zakiye Xuseen Axmed  iyo saraakiil kale.

Ciidanka maanta la dhaariyay ayaa gaarayo 300 waxaa ay ka mid Noqondoona Ciidamada Nabad ku Afur ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku waasi oo kaalin Buuxda ka qaadan Doono Sugida amniga Caasimada inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Rabadaan.

"Muwaadin ka qeyb Noqo sugida amniga lana wadaag Ciidamada amniga hadaad aragto wax lid ku ah amiga si aan meel uga soowada Horjeesano dhagarta kooxda Khawaarijta ee dhibaada kuhaya shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu soo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM