Ciidamo Milateri ah oo la wareegay Bartii Canshuuraha Hirshabeelle

Image

JOWHAR - Sida ay sheegeen dad degaanka, ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa boobay ku dhawaad 100 Milyan oo lacagta Shilling Soomaaliya, kadib weerar ay ku qaadeen Bar-koonatarool oo Ciidanka maamulka HirShabeelle ku sugan yihiin.

Falkan ayaa ka dhacay degaan Ceel-cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Faah-faahinadda laga helayo dhacadaan ayaa intaas ku daraya in ciidamadda Lacagta bililiqaystay uu hogaaminayo sarkaal sare, oo ka tirsan Militariga Soomaaliya, islamarkaana wata ciidamo isaga daacad u ah oo ku sugan gobolka.

Xiisad laga cabsi qabo inay dagaal isku bedasho ayaa waxay ka taagan tahay duleedka degmada Balcad, inkastoo ay socdaan dadaalo la doonayo in ciidamadda lacagta boobay looga soo celiyo.

Wasaaradda Maaliyadda HirShabeelle oo falkan ka hadashay ayaa sheegtay inay socdaan baaritaan.

Lama oga sababta ka dambeysa in Ciidamada ay duulaan qorsheysan ku qaadaan Kontarool lagu canshuuro Gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Shabeellaha Dhexe, halkaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada maamulka HirShabeelle.

"Lacagta waa midda canshuur ahaan looga qaado Gaadiidka. Xarunta ay ciidamada weerareen waa halka ay Wasaarada Maaliyadda u asteysay in cashuurta looga qaado Baabuurta," waxaa sidaasi Garowe Online u sheegay qof deggan Ceel-Cadde.

Taliska ciidamada xooga dalka iyo Wasaaradda Gaashaandhiga DFS wali arrintaan kama aysan hadlin, sidaasi si lamid ah, lama ogga hadii Taliska gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan gobolka uu kusoo war-geliyay Wasaaradda Difaaca iyo taliska dhexe.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamadda ka tirsan dowladda ay ku dhaqaaqeen Fal noocaan ah, waxaana la xusuustaa in sidaan oo kale loo boobay Saldhigii Imaraadku maamuli jiray ee Jeneraal Gordan, kaasoo illaa iyo haatan Askar badan loo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM