​Ciidamo qof dil gaystay ku toogtay Muqdishu

Image

MUQDISHU- Ciidamada nabad sugidda Somalia ee degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, ayaa xalay toogtay ruux dhalinyaro ahaa oo dil ka gaystay degmadaasi, kaas oo ku hubaysnaa Bastoolad iyo Bumbo gacmeed.

Wararka falkaasi ku saabsan ayaa sheegay in ninka la toogtay oo qof shacab ah ku dilay goob ciidamada nabad sugidda ka ag-dhaweyd, waxaana ciidamadu isku dayeen inay qabtaan balse wuxuu sameeyay iska caabin isagoo ku tuuray bambaanadii uu watay.

Maamulka gobolka Banaadir, ayaa xaqiijiyay in ruuxaasi la dilay kadib markii uu u hogaansami waayay amarka ciidanka.

Afhayeenka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay " Xalay ciidamada Amnigu waxay daba-joogeen nin hubeysan oo qof shacab ah ku dilay degmada Huriwaa, markii ciidamada damceen inay soo qabtaan, ayuu iska caabin kala hor-tagay, kadibna ciidanka ayaa toogtay".

Maamulku ma caddayn qof ka la toogtay inuu katirsanaa Al Shabaab iyo in kale, hase ahaatee ururkaas ayaa ku caan ah dilal dadka rayidka iyo mas'uuliyiinta isugu jira.

Tallaabadan ayaa timi xilli muddooyinkii dambe la fashilinayay weeraro kooxda Shabaab qorshaynayeen inay ka gaystaan magalada Muqdishu, waxaana aad loo howlgaliyay ciidamada amniga inkastoo hadan kooxdaasi fuliyaan dilal loo gaysto dad shacab ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM