Ciidamo dhoolatus ka sameeyay nawaaxiya biyaha Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kuuriyadda Koonfureed iyo Japan ayaa kala qeybgalay Spain dhoolatus ka dhan ah burcad-badeeda oo ka dhacay nawaaxiga xeebaha Soomaaliya xilli ay jirto xiisad la xiriirta taariikhda iyo ganacsiga.

Wakaalada wararka Yonhap ee fadhigeedu yahay South Korea ayaa waxay warisay in carbiska milatari uu hogaaminayey Howlgalka Ciidamadda badda Midowga Yurub isla markaana uu dhacay todobaadkii lasoo dhaafay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Seoul ayaa laga soo xigtay in ay dhoolatuskaas kaga qeybgaleen dalab kaga yimid Midowga Yurub isla markaana ujeedka uu ahaa xoojinta iskaashiga iyo xeeladaha la dagaalanka shufta badeeda.

"Dhoolatuska wuxuu ahaa mid si joogta ah loo sameynayey tan sanadkii 2008-dii," ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha, sidda ku xusan warbixinta.

Xeebaha Soomaaliya ayaa lagu sheegaa in ay kamid yihiin kuwa ugu badan oo ay ka dhacaan xadgudubyadda badda gaar ahaan kalluumeysiga sharci-daradda ah, waxaana dowladda federaalka ay ka gaabisay wax ka qabashada.

Japan iyo Kuuriyadda Koonfureed ayaa kamid ah wadamada ciidamada ku taageeray howlgalka la dagaalanka kalluumeysigaas sharci daradda ah, wallow qudhooda ay wajahayaan eedeymo ku aadan in ay qayb ka yihiin.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya ayaa bishii hore shaacisay in maraakiib laga leeyahay Iiraan ay dhowr jeer kusoo xadgudbeen biyaha dalka isla markaana ay talaabo sharci ah ay ka qaadeyso.

Iiraan ayaa lala xiriiriyey dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab isla markaana ay Soomaaliya u isticmaasho marin ay hubka ugu gudbiso falaagada Xuutiyiinta Yemen kana shaqeyneyso sidii Mareykanka uga adkaan lahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM