Ciidamo dhoolatus ka sameeyay nawaaxiya biyaha Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kuuriyadda Koonfureed iyo Japan ayaa kala qeybgalay Spain dhoolatus ka dhan ah burcad-badeeda oo ka dhacay nawaaxiga xeebaha Soomaaliya xilli ay jirto xiisad la xiriirta taariikhda iyo ganacsiga.

Wakaalada wararka Yonhap ee fadhigeedu yahay South Korea ayaa waxay warisay in carbiska milatari uu hogaaminayey Howlgalka Ciidamadda badda Midowga Yurub isla markaana uu dhacay todobaadkii lasoo dhaafay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Seoul ayaa laga soo xigtay in ay dhoolatuskaas kaga qeybgaleen dalab kaga yimid Midowga Yurub isla markaana ujeedka uu ahaa xoojinta iskaashiga iyo xeeladaha la dagaalanka shufta badeeda.

"Dhoolatuska wuxuu ahaa mid si joogta ah loo sameynayey tan sanadkii 2008-dii," ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha, sidda ku xusan warbixinta.

Xeebaha Soomaaliya ayaa lagu sheegaa in ay kamid yihiin kuwa ugu badan oo ay ka dhacaan xadgudubyadda badda gaar ahaan kalluumeysiga sharci-daradda ah, waxaana dowladda federaalka ay ka gaabisay wax ka qabashada.

Japan iyo Kuuriyadda Koonfureed ayaa kamid ah wadamada ciidamada ku taageeray howlgalka la dagaalanka kalluumeysigaas sharci daradda ah, wallow qudhooda ay wajahayaan eedeymo ku aadan in ay qayb ka yihiin.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya ayaa bishii hore shaacisay in maraakiib laga leeyahay Iiraan ay dhowr jeer kusoo xadgudbeen biyaha dalka isla markaana ay talaabo sharci ah ay ka qaadeyso.

Iiraan ayaa lala xiriiriyey dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab isla markaana ay Soomaaliya u isticmaasho marin ay hubka ugu gudbiso falaagada Xuutiyiinta Yemen kana shaqeyneyso sidii Mareykanka uga adkaan lahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM