​Ciidamo Somali ah oo weerarka Awdheegle ka qayb qaatay

Image

Afhayeenka u hadlayay ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugan, oo lagu magacaabo Mark Cheadle, yaa ka hadlay weerar habeen hore ka dhacay degmada Awdheegle gobolka Shabeellaha hoose, wuxuuna tilmaamay in weerarka oo lagu qaaday saldhiga Shabaab ku lahaayeen degamadaasi ka qayb qaateen ciidamo kasocda dowladda Somalia.

Cheadle, ayaa tilmaamay in Maraykanku uu lahaa diyaaradaha iyo ciidamo sugayay amniga guud balse dagaalka wada galeen dagaalyahannada Shabaab iyo ciidamo Kumaandoos ah, isagoo sheegay inay dileen tiro katirsan kooxda islamarkaana qabteen rag lagu daba jiray.

Arrintan si cad ugama hadlin dowladda Somalia, balse wasiirro dowladda katirsan ayaa sheegay inay ka warhayeen qorshaha lagu weeraray Al-Shabaab, laakiin sarkaal katirsan ciidamada dowladda, ayaa cadeeyay in dagaalkaasi si wadajir ah loo fuliyay dagaalyanno katirsan Shabaabna lagu dilay kuwaasi oo cadad ahaan gaaraya 15 ruux.

Ilaa hadda lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee weerarka lagu dilay, balse warar kala duwan ayaa soo baxaya, waxaana xukuumadda Washington xuseen dilka labo Sarkaal sar sare.

Wasaaradda Gashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtey inuu kamid ahaa Yusuf Ali Ugaas oo dadka wacyi galinta ciidamada al-Shabaab qaabilsan iyo Maxamad Mire oo ururka u xil saaran gobolka Hiraan isagoo sidoo kale ka tirsanaa guddiga Maaliyada ee Al-Shabaab.

Dawaan weerar lagu qaaday saldhiga Shabaab ku leeyihiin Koonfurta Somalia, waxaa lagu dilay ku dhawaad 150 dagaalyahannada kooxda, waxaase arrintaasi beeniyay Shabaab oo xusay inaysan tiro intaas le eg isugu keenin hal goob.

Weeraradan, ayaa yimi xilli Shabaab badaleen qorshayaashii hore ee weerarada u fulin jireen iyagoo la sheegay inay damacsanaayeen dagaallo ka dhan ah AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM