Ciidanka DF oo dad kasoo watay guri ku yaala Muqdisho oo la weeraray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, ku dhowaad tobban kalena way ku dhaawacmeen kadib markii nin hubeysan uu weeraray guri ku yaala caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Dableyga oo watay qori AK47 ah isla markaana illaa iyo haatan aanan la aqoon wuxuu yahay waxaa lagu waramay in uu rasaas ooda uga qaaday dhismaha oo ahaa goob Mingiska lagu garaaco.

Mingiska ayaa la sheegay in uu yahay nooc kamid ah Jinka iyo waxyaabaha lamid ah. Inkasta oo ay isa soo tareysay culimaa'udiinka ka digeysa, haddana xarumaha lagu tumo waxay kusoo badanayeen dalka.

Wadaadada kasoo horjeeda oo talaabo deg-deg ah ku baaqay ayaa ku doodey in in uu ka duwan yahay Cilaajka ama Qur'aan-saarka, iyagoo tusaale u soo qaatay in dadka lagu ceejiyo.

Seynab Xaabseey, gudoomiyaha degmada ay shaqaaqadan ka dhacday ee Warta Nabada oo xaqiijisay falkaas, ayaa sheegtay in shaqada ka socotay guriga ay ahayd "mid dhuumaaleysi ah".

Sidda laga soo xigtay Xaabseey, ciidanka amniga ayaa baaris ku bilaabay dableygii geystay falka iyo sababta keentay dhacdadan.

"Waxaa naloo sheegay in Mingiska laga soo raray qayb kale oo isla degmada ku taala, maantana uu doonayey in uu gurigan cusub ku shaqo bilaabay," ayay saxaafada ugu sheegay meesha ay wax ka dhaceen.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saartay mas'uuliyadda falkaan. Balse, dadka degaanka oo arkay ninka hubeysan waxay sheegeen in ay u maleynayaan in uu ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda oo cabsan.

"Dadkii wax ku noqdey waxaa la dhigay xarumaha caafimaadka, waxaana xaqiiqada lagu ogaan doonaa baaritaanka," ayay xustay Seynab Xaabseey oo aan tafaasiil ka bixin waxay ahaayeen bukaanadda.

Illo wareedyo dhanka amniga ah ayaa u sheegay Garowe Online in ciidamadda goobta tegay ay xabsi u taxaabeen dhamaan shaqsiyaadkii meesha joogay isla markaana ay ku bilaabeen su'aallo waydiin.

"Dadkaas waxaa la waydiin doonaa su'aallo ku saabsan wixii meesha ka socday," ayay Saynab hadalkeeda raacisay xilli ay qirtay in ay jiraan dad ay ciidanka wateen goobta, balse ma aysan carabaabin tirro.

Marxuumka kaliya ee goobta ku geeriyooday ayaa lagu magacaabayey Suleymaan Maxamed Mahdi. Aabihii wuxuu u sheegay warbaahinta gudaha in uu u daawasho tegay, balse uusan ahayn dadka la geeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM