Ciidanka dowladda Somalia iyo Shabaab ku dagaallamay Shabeellaha hoose

Image

04 January, 2016(GO)-Dagaal xooggan ayaa ciidanka dowladda iyo mallayshiyaad katirsan ururka Al-Shabaab ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo War-maxan oo katisan gobolka Shabeelaha hoose, waxaana ka dhashay qasaaro aan la xaqiijin.

Deegaanka oo u dhaxeeya Afgooye iyo Wanlaweyn ayaa fariisin u ahaa ciidamo katirsan dowladda Somalia, waxaana warar lagu qoray baraha taageera kooxda Shabaab lagu muujiyay inay gudaha u galeen deegaanka isla markaan ciidanka dowladda kala wareegeen saanad Millatari iyo gaadiid, halka ay dileen tiro tirsan ciidanka.

Balse, warkaasi waxaa beeniyay maamulka gobolkaas xilli uu la hadlay warbaahinta gudaha isagoo sheegay inaysan jirin sheegashada Al-Shabaab wuxuuna xusay inay iska caabiyeen.

Xaaladda degaanka ayaa lagu soo waramayaa inay dagantahay, waxaana jira cabsi dadka deegaanku ka qabaan weeraro kale.Maaha markii ugu horraysay oo labada dhinac ku dagaallamayaan deegaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM