Ciilmooge: waxaa jira Midnimo diid Xamar xilal ka haya.

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee hawlaha Guud ee dowlada federaalka Soomaaliya, Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi ayaa ka hadlay waxa uu ugu yeeray "Midnimo Diid xilal ka haya dowlada federaalka Soomaaliya".

Ciilmooge oo ka jawaabayay su'aal laga waydiiyay siyaasiyiintaan ayuu ku tilmaamay in ay yihiin dad ay saamayn ku yeesheen dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

"Waxaad arkaysay dhawaan dad ka hadlayay hogaamiyaha Khaatumo oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay. Waa arintaasi waa mid hoos u dhigaysa in la dhagaysto ama la rumeysto" credibility".

Isaga oo sii hadlaya ayuu sheegay in ay tahay mid Soomaalinimo muujinaysa tilaabada uu Muqdisho ku tagay isaga oo calanka sida Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-cali"Firdhiye".

Dhawaan ayay ahayd markii xildhibaano ka tirsan golaha shacabka dowlada federaalka Soomaaliya isla markaana matala Somaliland ay sheegeen in ay tahay in la ilaaliyo hanaanka Somaliland taasi oo dad badan ay su'aal geliyeen u daacadnimooda Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee lagu dhaariyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM