Cirro oo ka jawaabay shaki laga muujiyey xulista Golaha Shacabka

Image
Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ka falceliyey eedeymo saacadihii lasoo dhaafay soo ifbaxay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ka jawaabay qaar kamid ah eedeymaha saacadihii lasoo dhaafeeyay hareeyay geedi-socodka xulista mudaneyaasha Aqalka Hoose.

Maxamed Xasan Maxamed [Cirro], guddoomiyaha guddiga oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da, ayaa muujiyey in aysan soo gaarin cabasho ah in musharaxiin loo diidey warqadaha is-diiwaan-gelinta.

Cirro oo hoosta ka xariiqay in guddiga uusan aqbali doonin in la gacan-bida-xeeyo musharaxiin gaar ah ayaa sheegay in madaxda Soomaalida aysan ku heshiinin in tartanka laga reebo shaqsiyaadka xilalka haya.

Mar wax laga waydiiyey dhaliilaha la xiriira in ay wajiyada qarsadaan musharaxiinta qaar ee lagu tilmaamay "malxiiska", Cirro ayaa tibaaxay in ay arrintaas ku timid "daruufo kala duwan" balse aysan jideynayn.

Laaluush bixinta ayuu caddeeyay in ay meel adag ka taagan yihiin. Odayaasha ayuu xusay in ay ka saxiixayaan warqado loogu sheegayo in la ciqaabi doono haddii lagu qabto fal la xiriira lacag qaadasho si musuq ah.

24-ka December ee sanadkan 2021 ayuu carabka ku adkeeyay in ay qorsheynayaan in ay soo gabagabeeyaan doorashada Aqalka Hoose. Hase ahaatee, wuxuu muujiyey in suurtagal tahay in waqti kale loo baahdo.

Hadalka guddoomiyaha ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ay warbaahinta hareeyeen eedeymo ku saabsan in musharaxiin qaar loo xiray kuraasta, qaar kale la xanibay iyo in is-dabamarin baahsan jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad Sii Daysay Lammaane Dhalinyaro Ah oo Ku Biiray Al-Shabaab

Wasiiru dowlaha Difaaca ee Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa ku saabsan kiiskan sheegay, "Abshir waa wiil dhalinyaro ah oo lagu khalday.

  • Soomaliya

    09-02-2025

  • 11:48AM

Maxay Xasan Sheekh iyo Museveni uga wada hadleen kulanka Kampala?

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    07-02-2025

  • 03:28PM