Cisbitaalka Beledweyn oo saamayn ka soo gaaray Fatahaada Wabiga Shabeelle

Image

BELEDWEYN, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku waramaya in isbitaalka magaalada Beledweyne uu ku soo rogmaday daadad oo sababay burbur xooggan oo soo gaaray dhammaan qeybaha kala duwan ee Cisbitaalka.

Sawirro laga soo qaaday gudaha Isbitaalka ayaa muujinayay in biyo ay buux dhaafiyeen dhammaan qolalka, bakhaarka daawada iyo goobo kale oo caafimaad.

Fatahaada Wabiga Shabeelle ayaa sidoo kale sababay in suuqyada ganacsiga ay xirmaan, isu socodkii magaaladana uu joogsaday, iyadoo dadka deegaanka ay ku nool yihiin xaalad aad u adag.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo arrintan ka hadlay ayaa yiri:

"Shacabka reer Baledweyne dhibaato xoog leh ayey ku dhex jiraan, mana lagu fiirsan karo, waxaan rabnaa in gurmad degdeg ah lala gaaro "

Xaafadaha qaar ee magaalada Baladweyne ayaa sidoo kale waxaa soo maciin biday qoysas ay fatahaaddu ka soo barakicisay guryahooda, mana lahan meel ay degaan.

Gobollada dalka ayaa wajahaya daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah, oo sababay dhimashda in ka badan 30 ruux, halka ay ku barakaceen 500 kun oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM