Col.Barre Hiiraale oo u duulay magalada Muqdisho

Image
Image
Image
Image

Kismayo,Somalia 30 August,2014 [GAROWEONLINE] Col.Barre Aadan Hiiraale oo maanta soo gaaray magalada Kismaayo ayaa              galabta isaga iyo wafdigii ka socday DF iyo IGAD u duulay magalada Muqdisho.

Madaxwaynaha mamulka Jubbaland ,xubnaha ka socda DF,IGAD iyo Barre Hiiraale ayaa kulan ku qaatay xarunta Jaamacadda kasoo wararku sheegayaan in looga wada hadlay sidii uu Barre uga qayb gali lahaa shirka dib u heshiisiinta oo laga dhigay bartamaha bisha danbe inuu ka qabsoomo magalada Kismaayo.

Saraakiil ka tirsan mamulka Jubbaland ayaa GO u sheegay Hiiraale inuu ogalaaday dhamaan arrimihii lagu wada heshiiyay ee ahaa inuu Muqdisho u dhoofo iyo ciidankiisa oo dhaqan celin lagu samayn doono si looga daro ciidanka mamulka.

Wada hadalka labada dhinac  dhaxeeya ayaa socda mudo afar maalmood ah waxana garwadeen ka ahaa wasiiro dowladda Xasan Shiikh ka socda iyo wakiilka ururka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Afey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Markabka Casriga ah ee Çağrı Bey u soo Diray Soomaaliya

Tallaabadan ayaa waafaqsan aragtida Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee ah in Turkigu noqdo dal soo saara tamarta uu isticmaalo.

  • Soomaliya

    15-02-2026

  • 06:12PM

Golaha Mustaqbalka oo ku kulmay Muqdisho xilli xaraaradda doorashooyinku kordheyso

Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan, kulankii ka dhacay Hotel Airport Golaha Mustaqbalka…

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 09:05PM