Cosoble iyo Sanbaloolshe oo ku tartamaya Doorasho

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Taliyihii Nabad Sugida [NISA] Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ku tartamaya doorasho ka dhaceysa magaalada Jowhar.

Labadan mas'uul ayaa waxay ku tartamayaan Kursiga Xildhibaanimo ee beesha Xawaadle, gaar ahaan jufada Cali Madaxweyne, kaasi oo doorashadiisa maalinta berri ah lagu qabanayo magaalada Jowhar.

Doorashada Kursiga Xildhibaanimo ayaa waxaa loo maraya wadadii hore ee Xildhibaanada lagu soo doortey, iyadoo ay codeynayaan 51 Oday, oo ah Ergo doorasho oo laga soo xulay beesha Xawaadle.

Cosoble oo shalay gaarey magaalada Jowhar ayaa sheegay inuu musharax u yahay Kursiga beeshiisa, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inuu ka guuleysan karo Sabaloolshe oo isna loolan adag ku jira.

Kurigaan ayaa markii hore waxaa baneeyay Sanbaloolshe kadib markii loo magacaabay Taliyaha ciidanka Nabad-Sugida 6-dii bishii April ee sanadkii tagey, 2017-ka.

Xilkaasi ayaa laga qaaday kadib qaraxii Zoobe, 14-kii October isaga iyo Taliyihii Booliska, sababo la xiriira fashil dhinaca hogaanka Hay'adaha Amniga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM