Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay xariga CC Shakuur

Image

UAE - Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ahna Senetar ka tirsan Aqalka sare ayaa si kulul u cambaareeyay xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo habeenkii 3aad ku jira xabsi.

Wuxuu ugu baaqay dowladda in si deg deg ah usii dayso Siyaasiga, oo uu sheegay in sababta loo xiray ay tahay oo kaliye inuu fekerkiisa cabiray, kana hadlay xaaladda dalka iyo daldaloolada dowlada Federaalka.

Wareysi uu siiyay VOA isagoo ku sugan dalka Imaaraadka, ayaa Cumar Cabdirashiid wuxuu beeniyay in isaga iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay ka shaqeynayeen mooshin ka dhan ah Xukuumadda Khayre.

"Qiyaano qaran hadii laga hadlayo ma jirto mid ka weyn in muwaadin Soomaaliyeed si qaldan loogu dhiibo dowlad shisheeye," ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Eedaha qaran-dumiska dowladda ay wado ayuu sheegay inuu yahay mid khatar ku ah masiirka dalka, oo keeni karta in Soomaaliya ku laabato waxay kasoo gudubtay ee ah dagaalka sokeeye iyo colaaddaha.

Senetarka ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishkuur, waxaana wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda hadda jirta ay caburiso siyaasiyiinta oo xabsiga ku dhigto eedaymo aan cadeymo loo haynin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM